Imtixaankii Nisfiga oo maanta u bilowday Ardada Daraaaadka Sare

Dhamaan ardada wax ka barata xarunta daraasaadka sare ee Jaamacada Baladeyn ayaa maanta u fariistay Imtixaankii nisfiga ee kuliyadaha kala duwan ee xarunta sida kuliyada Shareecada, kuliyada Maamulka iyo Maareynta, kuliyada Waxbarashada waxaana ardada ka muuqanayey dadaal dheeraada iyo diyaargarow weyn si ay u helaan darajaad sarsare.

Ujeedada Imtixaanka ayaa ahaa Qiimeynta adrdada iyo ogaanshaha heerka ay ardadu gaarsiisantahay cilmiga iyo aqoontii lasiisyey.

Jaamacada Baladweyne ayaa marwalba u taagan wanaajinta iyo kobcinta warbarashada Ardada soomaaliyeed iyo soo saarka jiil waxbartay oo latartami kara asaagooda ku kala nool dunida dacaladeeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*