Author Archives: admin

Imtixaankii Nisfiga oo maanta u bilowday Ardada Daraaaadka Sare

5

Dhamaan ardada wax ka barata xarunta daraasaadka sare ee Jaamacada Baladeyn ayaa maanta u fariistay Imtixaankii nisfiga ee kuliyadaha kala duwan ee xarunta sida kuliyada Shareecada, kuliyada Maamulka iyo Maareynta, kuliyada Waxbarashada waxaana ardada ka muuqanayey dadaal dheeraada iyo diyaargarow weyn si ay u helaan darajaad sarsare. Ujeedada Imtixaanka ayaa ahaa Qiimeynta adrdada iyo ogaanshaha heerka ay ardadu gaarsiisantahay cilmiga ... Read More »

Wafdi Kasocda Jaamacada Baladweyn oo Booqday Jaamacada EAU

IMAG4884

Wafdi balaaran oo kasocday Jaamacada Baladweyne islamarkaana uu hogaaminayey kuxigeenka Gudoomiyaha Jaamacada Sh Maxamed Muse Maxamed ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Jaamacada Bariga Africa ( EAU ) xarunteeda koowaad ee Magaalada Boosaaso. Wafdiga Jaamacada Baladweyn ka socday ayaa kulamo muhiima layeeshay Kuxigeenka Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Africa Ustaad Maxamed Macalin waaxayna isku afgarteen  kobcinta Xiriirka labada Jaamacadood iyo iska kaalmeysiga ... Read More »

Akhrisku Waa Furaha Aqoonta

akhrisku-waa-furaha-aqoonta

Akhrisku waxa uu kamid yahay afarta xirfad barasho ee waawayn, waana midka ugu muhiimsan ee aqoontu kasoo maaxato. Qormadan kooban waxaan diirada ku saari doonaa in aan wax ka iftiimiyo sida umaddaha aduunku ugu kala duwanyihiin akhriska, faa’iidada akhrisku u leeyahay shaqsiga iyo bulshada iyo inagu bulsho ahaan heerka aynu ka joogno akhriska. Ugu horayn hadaan milicsano ummadaha kala gadisan ee caalamkan kuwada ... Read More »

Sidee Ardaygu Ugu Diyaar Garoobi Karaa Uguna Guulaysan Karaa Imtixaannada?

Tired student having a lot to read

Imtixaan waa imtixaan haddii xataa lagu waydiinayo magacagaaga. Imtixaanku wuxuu muujiyaa in aad dadaal samaysay ee aad nafta ku hawshay akhris, qoraal, fahmid, xafidid, ku celcelin, iwm. Geelaa loogu heesaa “ninba tacabkii, togaay kaa maal”. Maskaxdu waxay dhiiqdaa hadba intii hawl la galiyay. Carabtaa waxay yidhaahdaan “weel kastaa waxaa ka soo burqada waxaa gudihiisa ku jira”. Waa Maxay Ujeeddada Imtixaanka loo ... Read More »

10 Talo Oo Kuu Horseedaya Guul Dhanka Waxbarashada Ah

waxbarashada-guul-310x165

Qormadaan waxaan idin kula wadaagaynaa talooyin wax ku ool ah oo ardayga gaarsiin kara guul dhanka waxbarashada ah Niyad Sami:Waxaa jiro farqi aad u weyn oo u dhexeeya kaliya inaad shahaado ama imtixaan aad wax u diyaariso iyo inaad si niyad sami leh oo aad u diyaariso, qofka markuu u niyad san u haayo waxa uu qabanaayo shaki kuma jiro ... Read More »

Walwalka Imtixaanka

walwalka-imtixaanka

Imtixaanka inta badan waxa uu keena cabsi iyo walaac badan. Walwalka imtixaanka waxa uu sababaa in ardaygu uu naatijo fiican keeni waayo. Cabsida badan waxay ardayga u horseedaa  inuu ilaawo jawaabaha. Hadaba halkaan kaga bogo talooyin ku saabsan sida loo maareeyo walwalka xiliga imixtixaanka -Xiriir wanaagsan la samee Allah,  waa xaqiiq in Allah yahay xaliyaha dhibaato kasta oo adoomadiisa soo wajahda. Talo saaro ... Read More »