Walwalka Imtixaanka

Imtixaanka inta badan waxa uu keena cabsi iyo walaac badan. Walwalka imtixaanka waxa uu sababaa in ardaygu uu naatijo fiican keeni waayo. Cabsida badan waxay ardayga u horseedaa  inuu ilaawo jawaabaha.

Hadaba halkaan kaga bogo talooyin ku saabsan sida loo maareeyo walwalka xiliga imixtixaanka

-Xiriir wanaagsan la samee Allah,  waa xaqiiq in Allah yahay xaliyaha dhibaato kasta oo adoomadiisa soo wajahda. Talo saaro oo bari  Allah.

-Si wanaagsan wax u baro. Macalimiita si fiican u dhegayso imtixiinkana u isku diyaari goor hore. Si wanaagsan oo wax loo bartaa iyo imtixaanka oo la isku diyaariyaa waqti hore waa furaha guusha imtixaanka iyo waxbarashada.

-Samee jimicsi joogto ah.

-Naso oo hurdo fiican qaado. Hurdo kugu filan oo aad seexaataa waxay muhiim u tahay caafimaadka jirkaaga iyo maskaxdaada. Hurdadu waxay kobcisaa xusuusta qofka.

-Quraacda haka tegin. Cun quraac nafaqo leh.

-Marka warqadda imtixaanka laguu dhiibo ku bilow bisinka Allah.

-Isha mari imitixaanka kuwa kuwa aad jawaabahooda hubto marka hore ka jawaab. Kalsoonidaada ayay
kordhinaysaa.

-Ha welwelin hana degdegin hadii ardayda qaar kaa hor dhamayso imtixaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*