Sidee Ardaygu Ugu Diyaar Garoobi Karaa Uguna Guulaysan Karaa Imtixaannada?

Imtixaan waa imtixaan haddii xataa lagu waydiinayo magacagaaga. Imtixaanku wuxuu muujiyaa in aad dadaal samaysay ee aad nafta ku hawshay akhris, qoraal, fahmid, xafidid, ku celcelin, iwm. Geelaa loogu heesaa “ninba tacabkii, togaay kaa maal”. Maskaxdu waxay dhiiqdaa hadba intii hawl la galiyay. Carabtaa waxay yidhaahdaan “weel kastaa waxaa ka soo burqada waxaa gudihiisa ku jira”.

Waa Maxay Ujeeddada Imtixaanka loo qaadaa?

Aqoonta looma barto imtixaan, sidoo kalena imtixaan la’aan aqoontu ma xasisho. Culimada Fahamka Islaamka ayaa waxay yidhaahdaan “haddaanay jirin ‘waayo’, dameerkuba wuxuu noqon lahaa mid fahamkiisu dheer yahay oo cilmi badan”. Haddii aan imtixaan jirin lama kala sareeyeen, saaqid iyo xariifna qaamuuskaba kuma jireen. Mar waa maskax-carin, marna waa tartan, marna waa guubaabo. Sidoo kale baro wax badan si syllabus

Hase yeeshee imtixaanku ma ujeedadada wax loo bartaa? Maya. Aqoontu maaha imtixaan kaga gudub uun. Bal dib u eeg maado kasta ood u baratay si aad imtixaan ugaga gudubto. Marka aad imtixaanka maadadaa ka soo baxdo hal saac ka dib haddii imtixaan labaad lagaaga qaado, waxaa xaqiiqo ah inaanad u garanayn sidii hore, iskaba daa haddii ay maalmo, bilo ama  sannado ka soo wareegaane.

Mar haddiiba niyadaada ay ku jirto imtixaanka kaga gudub, waxaa aad akhriyayso maskaxdu waxay dhigaysaa kaydkeeda ku meelgaadhka ah una gudbin mayso kaydka waarista ee mudada dheer.

Haddiise ay kaa tahay aqoon kasbasho iyo inaad naftaada, qoyskaaga, iyo ummadaadaba ku anfacdo haba yaraadee wuxuu u gudbi qaybta maskaxda ee kaydka waaraya. Taasaana ta kugu hadhaysa, hadhawna aad cidkale u sii gudbin karto.

Waa Maxay Tallaabooyinka Togan ee aad qaadi kartaa si aad u Diyaar garawdo?

Inta aanad imtixaanka gelin waxaa kuu taala hawl badan. “nin la sugayoow adna yaad sugi”. Goorma ayaad bilaabaysaa diyaar garawga imtixaanka? Ma maalinta imtixaanka? Ma wiig ka hor? Ma bil ka hor? Mise? Eeg qodobadan hoos ku qoran oo kaa kaalmaynaya sidii aad u diyaar garoobi lahayd.

  1. Diyaar garawgaagu haka bilaabmo maalinta aad casharka soo dhigataba. Sida in badan ardaydu ay yeelaan, ha sugin inta imtixaanku kabaabiga ku soo saarayo.
  2. Garo qaybaha ugu muhiimsan ee darsiga aad imtixaanka u galayso. Ha is dawakhinin, hana qaybin buug dhan kor iyo kal sida dadka qaar sameeyaan. Darsi karta wuxuu leeyahay gobo’ iyo nuxur. Had iyo goor nuxurka ku tuntuunso, faahfaahintana adigu ku darso markaad imtixaanka timaado.
  3. Isku day inaad saadaaliso su’aalaha suuro gal ah in lagu waydiiyo. Haddaad adigu macalin ahaan lahayd, oo aad maadadan imtixaankeeda qaadi lahayd maxaad ardayda waydiin lahay. Ka soo qaad in imtixaankaagu adkaan lahaa. Su’aalahaas aad ardayda mala awaalka waydiisay, waxaa suuro gal ah inay noqdaan ugu dhowaan inta ugu badan ee imtixaanka.
  4. Habeenka imtixaanka ka horeeya ha soo jeedin si aad hurdo wanaagsan oo kugu filan u hesho. Ardayda qaar baa wax akhriya iyaga oo luloonaya. Waa bar kuma taal.
  5. Goobta imtixaanka kaalay wakhti ka hor  si aad ula sii qabsato

Sidee ayaad Imtixaanka ugu Guulaysan kartaa?

  1. Na nixin, ha werwerin, hana walbahaarin. Waxaa lagu waydiinayaa waa wixii aad soo dhigatay ee aad soo diyaarisay uun.
  2. Aamin, kalsoonina ku qab inaad garanayso waxaa lagu waydiin doono
  3. Iska fogee buugta, waraaqaha, iyo wax kasta oo keeni kara in lagaaga shakiyo qish iyo khiyaamo.
  4. Marka warqada laguu dhiibo, bisinka Allah ku bilaw intaanad wax kale qaban, magacaana ku qor.
  5. Akhri tilmaaha dhammaan qaybaha imtixaanku ka Kooban yahay si aad u ogaato inta laga shaqaynayo, inta laga tagi karo, kuwa khasabka ah in laga shaqeeyo iyo wixii la mida.
  6. Bilaw ka shaqaynta adigoo ka bilaabaya hadba su’aalaha aad hubto jawaabtooda 100%. Marka labaad ee aad ku soo noqoto ka fikir kuwa aad wax ka garato waxna ka garan waydo. Marka aad kuwaas dhammayso u kaalay kuwa kugu adkaada.
  7. Waligaa meel madhan ha ka tagin. Ereyada, iyo weedhaha meesha ku yaal inta aad dhuuxdo haddii aanad xasuusnayn jawaab saxa isku day inaad qiyaas xikmadaysan samayso waxaaba la arkaa inaad ku guulaysato ee.
  8. Waydii macallinka ama cidda ilaalinaysa haddii la oggol yahay weydiin.
  9. Ha degdegin, hubi inaad dhammaysay, inaad saxday iyo inaad jawaabaha wada dhamays tirtay.
  10. Marka aad hubiso inaad wax walba dhammaysay ilaahay la kaasho, ha walwalaacin si aanad su’aalo isaga qaldin.
  11. Ha werwerin hana degdegin haddiiba ardayda qaar kaa hor dhamayso, waayo iskuma xidhnidin ee adigu wakhtigaaga uun ilaasho inaanu kaa dhicin.
  12. Mar labaad hubi inaad magacaaga, iyo wixii kale loo baahnaaba ku qortay.

Gunaanad

Ardayga wanaagsani waxbarashada hadaf buu ka leeyahay, ee kama aha qayrkaaba wuu bartaaye adna samee. Marka ay sidaa tahay ma noqonaysid imtixaan-u-noole. Imtixaan-u-noolayaashu way dhayalsadaan waxbarashada, way iska baashaalaan, marka dambana werwer, walbahaar iyo qulub ayaa u dhammaada. Waxaad arkaysaa goobta imtixaanka iyada oo ku soo hagaagi la’.

Ardayga ujeeddo wax u baranaya ee soo diyaar garoobayna waxaad arkaysaa isagoo hore u galaya goobta, buugta iyo waraaqaha iska fogaynaya, diyaarna u ah inuu cariyo maskaxda iyo xusuustiisa. Wuxuu filayaa inuu garanayo su’aalaha la waydiin doodon.

Ha noqon dadka werwera ee maskaxdu ka lunto marka goobta imtixaanka la yimaado. Is deji naftana u sheeg inaan mushkiladi jirin ee wax aad garanayso uun lagu waydiinayo.

Noloshaada iyo wakhtigaagaba qofshee si ay suuro gal kuugu noqoto inaad diyaar garawdo inta aan imtixaanba kuu iman, maalmaha imtixaankana waa inaad xooga saartaa meelaha muhiimka ah, waa inaad is imtixaantaa adiga oo odorosaya su’aalaha kuu iman kara, jawaabna u raadinaya.

Allah waxaan ka baryayaa inuu imtixaanada dunida iyo kuwa aakhiroba inoo fududeeyo.

Cabdiraxmaan Cali Xirsi (Buraale)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*