10 Talo Oo Kuu Horseedaya Guul Dhanka Waxbarashada Ah

Qormadaan waxaan idin kula wadaagaynaa talooyin wax ku ool ah oo ardayga gaarsiin kara guul dhanka waxbarashada ah

  1. Niyad Sami:Waxaa jiro farqi aad u weyn oo u dhexeeya kaliya inaad shahaado ama imtixaan aad wax u diyaariso iyo inaad si niyad sami leh oo aad u diyaariso, qofka markuu u niyad san u haayo waxa uu qabanaayo shaki kuma jiro inuu ku guuleeysanayo. Noqo qof niyadsan.
  2. Hami Sare:Hami sare waxaan u jeedaa inaad naftaada ku xakameeyso dhibka eey leedahay waxbarashada iyo saacadaha  badan ee aad fadhineyso iyo wax akhrinta tirada badan , markaad wax akhrineyso waa in aadan dareemin caajis iyo hurdo oo aad u dul qaadato waayo waxaad leedahay hami sare.
  3. Jawi dagan ku akhri:Ka fogow jawiyada qasan ee buuqa leh sababtoo ah waxeey mashquulinayaan maskaxda. Hadii aad asxaabtaada duruusta isla akhrisaneeysan u sheeg ineey jawiga dajiyaan oo eeysan buuqin.
  4. Nidaami Waqtigaaga:Sameeyso jadwal aad duruusta ku akhrisato oo leh maalmo iyo saacado adigoo ku cadeeynay cashirada aad rabto inaad akhriso saacad ama maalin hebal kana dhig jadwalkaan mid noloshaada ku dabaqan.
  5. Sameeyso waqti aad ku nasato:Nafsada xaqeeda sii oo saacado badan ayaad wax akhrineeysay sidoo kale maskaxda waa ineey dagtaa waayo xili fara badan ayeey shaqeeyneeysay.
  6. Akhri Buugaag ku saabsan taariikhda:Buugaagta taariikhda waxaad ka ogaaneeysa waxyaabo badan sidookale buugaagta taariikhda waxeey kugu dhiiri galinayaan inaad wax badan akhriso waayo buugaagta waxeey ka kooban yihiin safxado badan.
  7. Ha welwalin wax walbo oo dhaca:walwalka faa’iido malaha xitaa waxaa suurta gal ah in aad xakameyn weyso duruustii aad soo akhrisay oo eey dhacdo ineey isaga kaa dhax yaacaan. Laakin xasuuso tala saarashada ALLE.
  8. Socodka Joogtee:maalin walbo soco ugu yaraan 30 Daqiiqo waayo socodka waxaa laga helaa firfircooni jireed. Socodkana ma aha aalamiitada ku daalineeyso.
  9. Mobile-ka Gacanta Iska Dami:Inta aad ku guda jirtid akhrinta cashiradaada mobile-ka iska dami ama cod-ka ka xir waayo wuxuu ka midyahay waxyaabaha bini aadanka mashquuliya.
  10. Duco:Ducada waa muhiim ALLE ka bari inuu kuu fududeeyo waxbarashada aad ku jirto sidookale waalidkaa ku dheh ii duceeya gaar ahaan hooyada  ducada hooyada waa arin aad u cajiib ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*