Qormadaan waxaan idin kula wadaagaynaa talooyin wax ku ool ah oo ardayga gaarsiin kara guul dhanka waxbarashada ah
- Niyad Sami:Waxaa jiro farqi aad u weyn oo u dhexeeya kaliya inaad shahaado ama imtixaan aad wax u diyaariso iyo inaad si niyad sami leh oo aad u diyaariso, qofka markuu u niyad san u haayo waxa uu qabanaayo shaki kuma jiro inuu ku guuleeysanayo. Noqo qof niyadsan.
- Hami Sare:Hami sare waxaan u jeedaa inaad naftaada ku xakameeyso dhibka eey leedahay waxbarashada iyo saacadaha badan ee aad fadhineyso iyo wax akhrinta tirada badan , markaad wax akhrineyso waa in aadan dareemin caajis iyo hurdo oo aad u dul qaadato waayo waxaad leedahay hami sare.
- Jawi dagan ku akhri:Ka fogow jawiyada qasan ee buuqa leh sababtoo ah waxeey mashquulinayaan maskaxda. Hadii aad asxaabtaada duruusta isla akhrisaneeysan u sheeg ineey jawiga dajiyaan oo eeysan buuqin.
- Nidaami Waqtigaaga:Sameeyso jadwal aad duruusta ku akhrisato oo leh maalmo iyo saacado adigoo ku cadeeynay cashirada aad rabto inaad akhriso saacad ama maalin hebal kana dhig jadwalkaan mid noloshaada ku dabaqan.
- Sameeyso waqti aad ku nasato:Nafsada xaqeeda sii oo saacado badan ayaad wax akhrineeysay sidoo kale maskaxda waa ineey dagtaa waayo xili fara badan ayeey shaqeeyneeysay.
- Akhri Buugaag ku saabsan taariikhda:Buugaagta taariikhda waxaad ka ogaaneeysa waxyaabo badan sidookale buugaagta taariikhda waxeey kugu dhiiri galinayaan inaad wax badan akhriso waayo buugaagta waxeey ka kooban yihiin safxado badan.
- Ha welwalin wax walbo oo dhaca:walwalka faa’iido malaha xitaa waxaa suurta gal ah in aad xakameyn weyso duruustii aad soo akhrisay oo eey dhacdo ineey isaga kaa dhax yaacaan. Laakin xasuuso tala saarashada ALLE.
- Socodka Joogtee:maalin walbo soco ugu yaraan 30 Daqiiqo waayo socodka waxaa laga helaa firfircooni jireed. Socodkana ma aha aalamiitada ku daalineeyso.
- Mobile-ka Gacanta Iska Dami:Inta aad ku guda jirtid akhrinta cashiradaada mobile-ka iska dami ama cod-ka ka xir waayo wuxuu ka midyahay waxyaabaha bini aadanka mashquuliya.
- Duco:Ducada waa muhiim ALLE ka bari inuu kuu fududeeyo waxbarashada aad ku jirto sidookale waalidkaa ku dheh ii duceeya gaar ahaan hooyada ducada hooyada waa arin aad u cajiib ah.