Faaidooyinka Aqoonta Iyo Muhiimada Ay U Leedahay Qofka Iyo Bulshadaba

Waxbarashada: waa furaha Nolosha, Aqoon la’aan waa iftiin la’aan waa aqal iyo ileys la’aan . Dhamaan umadaha dunida ku nool

waxay ku sugan yihiin xaalado aad u kala duwan oo dhanka nolosha ah , sidoo kale waxaan ognahay in dunida maanta ay u qaybsan tahay  labo qayb  oo waxkasta ku kala duwan ,
waana dunida hormartay iyo dunida danbaysa..xaqiiqda dhabta ah ee dunida u kala qaybisay sidaas ayaa ah waxbarashaduna ay ugu kaladuwan yihiin wadanba wadankale ugu duwanyahay .. wadama aadka looga qadariyo waxbarashada waxay gaareen hormar la taaban karo halka wadama aan laga danayn waxbarashada ay yihiin kuwa aad u danbeeya marka dhinac kasta laga eego.si la mid ah sidaas waxaa aad ku kala duwan dadka waxbarta iyo kuwa aan marna qiimayn waxbarashada.
Aqoontu waa sheyga kaliya ay dadku ay ku hormarikaraan waana laga maarmaan ay utahay nolosha beni aadamka  marna masimano qof aqoonle iyo qof aan aqoon laheyn .
Waxbarashada waa aasaaska nolasha waxaana lagama maarmaan ah inuu qofka waxbarto si uu unoolaada ,waxaad kadeemikartaa xaalada miyiga dadka kunool waxaa waalidka  caruurtiisa uu baraa ugu yaran sida wax loo tacbado ama xoolaha loo raaco maxaa yeelay waxay cadaynaysaa in uusan qofka noolaankarin ilaa uu wax barto wuu noolankara laakin ma ahan mid uu asaga kuqanacsan noolashiisa.
qofku wuxuu nolol sharaf ah oo farxad ay ku dheehantahay heli karaa marka uu barto xirfad uu ku shaqaysan karo . sidoo kale dal wuxuu hormari karaa oo kaliya marka ay jiraan dadkii hormarin lahaa, dadkuna waxba ma ay qaban karaan hadii aysan jirin aqoontii ay wax ku hormarin lahaayeen , waana taas sababta kaliya ee uu dalkeeni soomaliya uga bixi la’yahay burburka mudada ku dhow 24sano .
faa’iidada ay waxbarashada u leedahay qofka bani aadamka ah  ma ahan  mid lagu soo koobi karo warbixin  iyo wax la mid ah.
sidoo kale waxaan si fudud u sharixi karnaa si ay dadku ay ufahmaan qiimaha ay leedahay aqoonta waxa ugu wayn ee ay waxbarashadu keeni karto in ay tahay  hormar dhinac maskaxda ah oo ah  runtii waxa ugu qaalisan ee uu qofku heli karo.
dhamaan noocyada kale ee hormarka waxaa sal iyo asaas u ah hormarka maskaxda.oo hadii la waayo ay aad u adkaan doonto in lagu riyoodo wax uun hormar ah.
Aqoondaridu ama jahliga ayaa ah cadowga ugu wayn ee uu qof yeelan karo inta uu noolyahay , jahligu wuxuuj qofka u diidaa markasta in uu ka fakaro waxa dantiisa ah , sidoo kale  aqoon la’aantu  waxay dadka dhaxalsiisa in ay garan kari waayaan siyaabaha fudud ee loo noolaan karo.
markasta oo uu jahligu bato waxaa aad u adkaada nolosha, sidoo kale waxyaabaha laga dhaxlo  aqoon la;aanta waxa ugu daran in dhamaan dadku ay ku mashquulaan wax aan marnaba dan ugu jirin,. sida in lagu xiiqo wax aan la fahamsanayn.
Hadii aad u kuur gashid dhamaan dalalka gaaray hormar la taaban koro , waxaa kuu soo baxaya in ay waqti iyo hanti badan galiyeen sidii ay wax ku baran lahaayeen , tusaale ahaan dalkan aan ku noolnahay  ee Kenya waxay dadkiisu aad u qadariyaan aqoonta , waana taas sababta ay Kenya u noqotay dalka ugu hormarsan dalalka geeska Afrika ku yaal .
Akhriistiyaasha  sharafta leh waxay is waydiin karaa waxbarasho noocee ah ayaa lagu hormari karaa, hadii aan si fudud uga jawaabno su’aashaas waxaa malaha lagu soo koobi karaa in nooc kasta oo waxbarasho ah ay kaalin wayn ka ciyaari karto hormar dhankasta oo  aynu u baahanahay.
Hadaba waa  in aynu kudadaalnaa  ubadka , dhalinyarada iyo qofkasta oo rabo inuu waxbarto waa inlasiyaa  fursad  ay ku baran karaan cilmiga ay markaas  jecelyihiin in ay bartaan ama maadooyinka ay ku fiicanyihiin.
Waxaan kaloo dhihi karnaa hormarka ugu muhiimsan ee uu qofku ka dhaxli karo waxbarashada ayaa ah xoriyad xaga maskaxda ah . qof kasta oo aqoon leh  waxuu sameen karaa fakar uu u madax banaan yahay halka qofka aqoontiisa ay liidato  uu ku tiirsanyahay.
marwalba  fakarka ama aragtida dadka kale. Sidoo kale qofka aqoonta leh wuxuu si sahlan ku curin karaa aragti ama fikrad hormarin karta nolosha dadka guud ahaan ama noloshiisa gaar ahaaneed.
Aqoonta dhabta ah waxay dadka siisa kalsooni buuxda ,  kasloonidana waxay qofka u fududaysaa in uu si hagaagsan u guto waajibaadka ka saaran nolosha.
sidoo kale aqoon la’aantu waxay ku beertaa nafsada qofka in uu  ka baqo wax kasta oo ku cusub noloshiisa, taaso mararka qaar laga yaabo in uu kala horyimaado waxkasta oo hormar keeni kara diidmo iyo baqdin is barkan . fariinta ugu wayn ee ay aqoontu xanbaarsan tahay ayaa ah isbadel dhinac kasta ah oo taabanaya qaabka loo noolyahay markaas.
markasta oo ay aqoontu kororto waxaa badanaya isbadalka xaga nolosha ah. Markasta oo uu isbadel jiro waxaa fududaanaya in la hormaro.
aqoonta ama waxbarashada  ayaa ah hanitida kaliya ee ay da yerta  dhaxli karaan si ay u sii hormariyaan nolosha markaas lagu sugan yahay.
Hadii ay dhalinyaradu dhaxlaan jahli ama aqoon daro waxaa mugdi aad u wayn galaya mustaqbalka aan hormar laheyn  dalkuna mar hor maro ilaa ay dadkiisu ay hormaraan.
Aqoontu waxay distaa guri aan tiir laheyn jaahinimada ama aqoondaridu waxay bur burisaa guri sharaf iyo barwaaqo ay kunool yihiin dadkiisa.
Ugu danbeentii waxaan idinleeyahay aqoontu waa iftiin ama nuur jahligu waa mugdi aynu kudaadaalno waxbarashada si ayu ugaarno hormar looriyaaqo.
 W/Q: Cadnaan Siciid Cige

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*